Isku soo baxyo ballaaran oo maanta ka dhacay magaalada Hargaysa ee xarunta gobolka waqooyi galbeed ee Somalia ayaa waxaa dhigay dad shacab caraysan oo kasoo horjeeda tallaabo uu qaaday maamulka ashahaada la dirirka ah ee isku magacaabay Somaliland, kaasi oo dhul ay deganaayeen dadkaasi ka iibiyay dad kale.
Dadkan caraysan ayaa isugu soo baxay xaafadda Laynka booliska ee degmada Hargaysa, si ay uga dhiidhiyaan falka ay ku kacayaan maamulka Riddada Somaliland, maleeshiyaadka booliska Riddada maamulkaasi ayaa dadkii isku soo baxyada dhigay u adeegsaday rassaas nool nool, taas oo keentay isku dhacyo toos ah oo dhexmara dadka rayidka ah iyo maleeshiyaadka booliska.
Inta la xaqiijiyay ugu yaraan laba qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen isku dhacyada hubeysan ee dhexmaray dadka shacabka ah ee caraysan iyo maleeshiyaadka booliska Riddada ee Somaliland, dhulka ay dadka deganyihiin oo kuyaal xaafadda Laynka Booliska ee Hargaysa oo ah dhul dan guud ayaa lasoo wariyay in maamulka Riddada ah uu dad kale ka iibiyay, taasi oo keentay inay dadkaasi ka dhiidhiyaan tallaabada maamulka.