Saraakiil ka tirsan Ammaanka dowlada Maraykanka ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 9 qof oo Ameerikaan ah lagu dilay howlgalka Duufaanta Al-aqsaa oo ay ku dhawaaqeen kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta, kaasi oo maalintii saddexaad ka socda deegaannada lagu deegaameeyay dadka Yahuudda.
Afhayeen u hadlay Golaha Ammaanka Qaranka ee Mareykanka ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in sagaalka xubnood ee Mareykanka ah lagu dilay iska horimaadyada u dhaxeeya kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta iyo maleeshiyaadka Yahuudda.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu xiriir la samaysay saaxiibadeeda Yahuudda ah “Waxaan la xiriirnay saaxiibadayada Israaiil, gaar ahaan maamulka maxalliga ah.”
Dhanka kale ugu yaraan toban qof oo u dhashay waddanka Ingiriiska ayaa lagu la’yahay deegaannada xoogga loogu deegaameeyay dadka Yahuudda ah, warbaahinta maxalliga ah ee waddankaas oo soo xiganaysa ilo wareed rasmi ah, ayaa sheegtay inay jiraan in in ka badan 10 qof oo British ah lagu dilay ama lagu la’yahay gudaha Falastiin, gaar ahaan deegaannada xoogga lagu dajiyay Yahuudda.
Ugu yaraan 2 xubnood oo Faransiis ah ayaa sidoo kale la xaqiijiyay in lagu dilay howlgalka Duufaanta Al-aqsaa oo ka socota deegaannada ku xeeran Marinka Gaza, halkaas oo ay kooxaha wax iska caabintu ka wadaan guluf ka dhan ah Yahuudda xoogga lagu dajiyay Falastiin.