Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in dab xooggan uu ka kacay dhismeyaal kuyaal xerada Xalane oo ah taliska ugu wayn ee saliibiyiintu ku leeyihiin Soomaaliya, halkaas oo sidoo kale ah laga soo abaabulo shirqoollada ka dhanka ah dadka muslimiinta.
Sida laga dheehan karo sawirro laga soo qaaday goobta uu dabku ka kacay dabka ayaa burburiyay dhowr dhisme oo kuyaal meel u dhow safaaradaha saliibiyiinta ee xerada Xalane, dabka oo kacay xilli habeen ah ayaa kusii fiday dhowr dhisme.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dhismeyaasha gubtay ay ka ag dhowaayeen safaaradaha Maraykanka iyo Talyaaniga, dabkan ka kacay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaana qayb ka ah shilal dhowr ah oo ka dhacay xaruntan oo talis u ah saliibiyiinta duullaanka ku ah dadka umadda muslimka ah ee Soomaaliyeed iyo khayraadkooda.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.