Kumanaan ka mid ah dadweynaha ku dhaqan degmada Jilib ee wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka ayaa gelinkii dambe ee shalay isugu soo baxay fagaaraha mucallim Aadan Xaashi Ceyrow, si ay garab istaag buuxa ugu muujiyaan walaalahooda reer Falastiin ee dagaalka adag kula jira Yahuudda xoogga lagu dajiyay dhulalka barakaysan.
Banaanbaxa oo ahaa mid heerkiisu sarreeyo oo uu soo qabanqaabiyay maamulka wilaayada islaamiga waxaa kasoo qayg galay kumannaan ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada muslimiinta ah sida rag, dumar, caruur iyo ciroole, waxgarad iyo culimo iyo qaar ka mid ah abwaanada islaamiga ah.
Waxaan halkan idinku soo bandhigaynaa sawirrada laga soo qaaday isku soo baxan ka dhacay Jilib ee garab istaagga loogu muujinayay walaalaha reer Falastiin, guulaha ay kasoo hoyeen dagaalka ay kula jiraan Yahuudda, dhanka kale na xanuunka lagula qaybsanayay shacabka abriyada ah ee u badan waayeelka caruurta iyo dumarka ee Yahuuddu ku duqeynayso Gaza.