Khasaare lixaad leh ayaa maleeshiyaadka murtadiinta kasoo gaartay camaliyad Istish-haadi ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacday deegaanka Yaaq-bari-weyne ee ka tirsan wilaayada Sh/hoose.
Saraakiil ka tirsan ciidamada mujaahidiinta ayaa Andalus u xaqiijiyay in camaliyaddan Istish-haadiga ah oo u dhacday sidii loo qorsheeyay ay ku dhinteen ku dhawaad 20 ka tirsan maleeshiyaadka Riddada, weerarka Istish-haadiga ah ayaa si gaar ah u beegsaday maleeshiyaad murtadiin ah oo uu hogaaminayay murtad Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan xildhibaannda golaha dawaaghiidda ee kooxda Riddada Soomaaliya.
Howlgalkan Istish-haadiga ah ayaa qayb ka ah howlgallada xiriirka ah ee ka socda wilaayaadka dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, saacadihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii howlgal qorsheysan oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraaim ee duleedka Muqdisho lagu dilay askari ka tirsanaa murtadiinta, kaasi oo lagu magacaabi jiray Burhaan.