Maydadka inka badan 40 qof ayaa laga soo saaray qaybo ka mid ah dalka Koongada Dimuqraadig ah kaddib markii ay dadkaasi dooni kula rogmatay wabiga waddankaasi.
Doonida ayaa la sheegay in si xad dhaaf ah loo soo raray, isla markaana ay sidday in ka badan 300 oo rakaab ah iyo xamuul aan xad lahayn, doonida ayaana ku rogmatay gudaha wabiga Congo sida ay shaaciyeen howlwadeenno ka tirsan kooxda samatabbixinta.
Marka laga soo tago khasaaraha dhimasho ee 40-ka ka badan waxaa sidoo kale nolol iyo geeri lagu la’yahay 167 kale, kuwaas oo la waayay kaddib markii rogmatay doonidan, Maamulka gobolka ayaana dhankiisa sheegay in doonidu ay kasoo baxday Mbandaka, kuna sii jeeday Bolomba, waxayna magaalada 300 km u jirtaa Mbandaka oo ah halka ay kasoo shiraacatay doonidu.
Gobolka uu shilkan ka dhacay oo ah gobolka Equateur ayaa jiho ahaan dhaca waqooyi-galbeed ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, waana shil ka mid ah shilalka ka dhaca biyaha waddankaasi.