Ugu yaraan shan qof ayaa dhintay kuwa kalena way dhaawacmeen kddib shil culus oo ka dhacay waddada wayn ee isku xirta magaalooyinka Nayroobi iyo Mombasa ee dalka Kenya.
Shilkan oo ahaa mid xooggan ayaa si gaar ah uga dhacay aagga Kambu oo ka tirsan ismaamulka Makueni ee dalka kenya, gaadiidka shilka galay ayaa lagu kala sheegay in uu u dhaxeeyay gaari nooca bas-ka ah, gaari xamuul ah iyo mid cagaf-cagaf ah.
Taliyaha booliiska ee ismaamulka Kibwezi ninka lagu magacaabo Peter Maina ayaa warbaahinta maxalliga ah u xaqiijiyay shilkan iyo khasaaraha nafeed iyo midka hantiyeed ee ka dhashay.
Gaariga Bus-ka ah ayaa ka ambabaxay magaalada Nairobi waxaana uu kusii jeeday magaalada Mombasa, Bus-ka ayaana ku dhacay gaariga cagaf-cagafta ah, shanta qof ee shilkaasi ku dhimatay ayaana la xaqiijiyay inay isla goobta ku dhinteen.