Mid ka mid ah saraakiisha maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in khasaaro culus uu kasoo gaaray dagaalladii saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka dagmada Buula-burte ee wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan.
Murtad Faarax Kooshin oo ka mid ah saraakiisha Riddada ayaa sheegay in dagaalkaas maleeshiyaad murtadiin ah looga dilay sidoo kalena ay kaga dhaawacmeen maleeshiyaad kale.
Hadalkan murtadkan ayaa kusoo beegmaya xilli dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedyada degmooyinka Buulo-burte iyo Halgan oo wada dhaca bariga wilaayada Hiiraan Allaah fadligiis lagu dilay 11 askari oo murtadiin ah, halka ay ku dhaawacmeen 16 kale, 2 askari oo murtadiin ah ayaa nolasha lagu qabtay intii ay socdeen dagaalladii dhacay, waxayna mujaahidiintu gacanta ku dhigeen gaari Haartoob ah oo maleyshiyaadka Riddada ay ku wateen hub, rasaas iyo qalabka miinooyinka lagu baaro, sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay qoryo AK47 iyo BKM ah.