Ciidanka guutada qaraxyada mujaahidiinta ee ka jihaada wilaayada Banaadir waxay howlgal silsilado qaraxyo ah oo la qorsheeyay ku qaadeen fariisimo iyo guri ay Muqdisho kaga sugnaayeen gddoomiye laameed iyo maleeshiyaad ka tirsan Riddada, howlgalka ugu horreeya oo ahaa mid qorsheysan waxay mujaahidiintu ka fuliyeen xaafadda iga daba geey ee degmada Dayniile waxaana Allaah fadligiis lagu dilay askari ka tirsanaa murtadiinta gaar ahaan kuwa lagu soo tababaray waddanka Eritrea, kaas oo lagu magacaabi jiray Iimaan Cali.
Howlgalka 2-aad ee qaraxa ah waxay ciidamada mujaahidiintu la beegsadeen hogya guddoomiye Laameed ka tirsan maamulka murtadiinta ugu magacaaban degmada Dayniile, murtadka lagu magacaabo Cabdiraxiim, inta la hubiyay guddoomiyahaasi la beegsaday iyo askari ka mid ahaa istaafkiisa ayaa ku dhaawacmay qaraxa, gurigii la qarxiyayna burbur xooggan ayaa soo gaaray.
Qaraxa saddexaad waxay mujaahidiintu la beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugnaa agagaarka Hoteelka Madiina ee degmada Xamarweyne, ugu yaraan 4 askari oo murtadiin ah ayaa ku dhaawacmay qaraxan, qarax kale oo ay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen agagaarka warshadda Taraqa iyo sigaarka ee Muqdisho ayaa lala beegsaday Control ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Riddada, faahfaahin dheeri ah lagama helin qaraxaasi.