Maleeshiyaadka maamulka Yahuudda ayaa xalay isku dayay inay lug ku galaan qaybo ka mid a magaalada Qaza ee go’doonka ku jirta.
Kumannaan ciidamo oo ka tirsan Yahuudda oo ku hubaysan gaadiidka taangiyada islamarkaana dhanka cirka ay ka ilaalinayaan diyaaradaha dagaalka, dhinaca badana Maraakiibta ciidanka Yahuudda ayaa usoo ruqaansaday dhanka magaalada Khaanyoonis.
kooxaha muqaawamada Falastiin ayaa si adag kaga hortagay ciidanka Yahuudda waxaana dhacay dagaallo xoogan oo gacmaha la isku tagay, kooxaha muqaawamada ayaa adeegsanayay lidka Taangiyada, taas oo ku adkaysay maleeshiyaadka maamulka gumeystaha inay ay usoo dhaqaaqaan dhanka Qaza, iyagoo markii danbe dib u laabtay.
Kooxaha muqaawamadu waxay sheegeen in kamaa’in iyo weeraro dhiig-bixin ah ay la beegsadeen Yahuudda, sidaas na uu ku fashilmay, waxayna sheegeen inay u diyaarsan yihiin duullaan kasta oo uu gumeystuhu kusoo qaado Gaza, ayna jilbaha u aasan doonaan.
Dhanka kale duqaymo dhul iyo cir ah ayay Yahuuddu ka gaysteen magaalada Gaza, waxayna duqaymahaasi keeneen inay go’aan adeegyada isgaarsiinta.
Intarnetka iyo isgaarsiinta Teleefanada gacanta ayaa lagu soo waramayaa inay gabi ahaanba maanta ka go’anyihiin marinka Qaza, iyadoo maamulka Yahuudda uu horay magaladaasi uga jaray biyaha iyo korontada.