Ciidamada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka jihaada wilaayada Baay ayaa howlgal qorsheysan ku beegsaday saddex diyaaradood oo Helicopter ah oo ay la socdeen murtad Cabdicasiis Lafta-gareen oo ah madaxa maamulka ashahaada la dirirka ah ee Koonfur galbeed iyo saraakiil kale oo uu ku jiro wasiirka gaashaandhiga kooxda Riddada Soomaaliya murtad C/qaadir Maxamed Nuur, kuwaasi oo ka dagayay degmada Diinsoor.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in qalqal xooggan ay dareemeen murtad Cabdicasiis Lafta-gareen iyo waftigiisa saraakiisha ah ee la socday, waxaanay taasi keentay inay diyaaradahaas ku adkaato iney ku dagaan goobta markii hore loo qorsheeyay, sidoo kale xogaha la helayo waxay sheegayaan in ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen xerada maleeshiyaadka murtadiinta ee xero kowaad ee degmada Diinsoor.
Ciidamada mujaahidiinta ayaa xeradan weeraray xilli ay halkaas ka socotay soo dhaweynta madaxa maamulka Riddada ah ee isku magacaabay Koonfur Galbeed Murtad Lafta-gareen.