Howlgal gaar ah oo ciidamo ka tirsan mujaahidiinta Al-shabaab ay maanta ka fuliyeen gudaha degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho ayaa lagu beegsaday askari murtad ah oo ka tirsanaa maleeshiyaadka sirdoonka kooxda Riddada Soomaaliya.
Howlgalkan ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxayna mujaahidiintu Allaah fadligiis ku dileen askari ka tirsanaa sirdoonka kooxda Riddada Soomaaliya, waxaana murtadkaasi lagu magacaabi jiray Ibraahim Xassan, kaasi oo ahaa murtad ashahaada la dirir ah oo dhibaatooyin kala duwan ku hayn jiray dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Kaxda, si gaar ahna u beegsan jiray dadka ay sunnadu ka muuqato.
Howlgalka ka dib ciidamada mujaahidiinta ayaa si nabad-galyo ah goobta kaga soo laabtay, maleeshiyaad kale oo murtadiin ah ayaa goor dambe maydka askarigaasi goobta ka qaaday, howlgalkan ayaana qayb ka ah howlgallada gaarka ah ee ay mujaahidiintu ku beegsanayaan saraakiisha iyo maleeshiyaadka sirdoonka Riddada.
Dhanka kale waxay mujaahidiintu maanta dagaal culus ku qaadeen fariisin maleeshiyaadka murtadiinta, gaar ahaan kuwa dharcadka ee jawaasiista ah ay ku leeyihiin gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, ugu yaraan shan murtad ayaa ku dhaawacmay weeraran, kuwaas oo laba ka mid ah uu dhaawacoodu yahay mid garaab ah.