Maamulka gumeystaha Yahuudda ayaa weli halkiisa kasii wada duqaymaha bahalnimo ee ay ka gaysanayaan gudaha dhulalka muslimiinta Falastiin, halkaas oo markale laga soo tabiyay dhacdo argagax leh iyo xasuuq bahalnimo ah oo uu gumeystuhu gaystay.
Inka badan 400 oo abriyo Falastiiniyiin ah ayaa u qaybsamay shuhado iyo dhaawacyo, kaddib markii ay Yahuuddu duqayn xagga cirka ah ku beegsatay meel dadku ku badanyihiin oo kutaal waqooyiga Gaza.
Illaa lix gantaal oo midkiiba culayskiisu dhan yahay hal ton ayaa la xaqiijiyay inay ciidanka Yahuudda ee xaaqidiinta ah ku dhufteen xerada Jabaliya oo dhacada waqooyiga Gaza, halkaas oo ay dad badan deegaan ku ahaayeen, goobta ayaa gabi ahaanba basbeeshay, shuhdada iyo dhaawacyada ayaana laga yaabaa inay sii kordhaan.
Dhanka kale kooxaha muqaawamada oo ka jawaabayay xasuuqa wuxuushnimo ayaa sawaariikh dhowr ah ku beegsaday Tal’abiib oo ah caasimadda Yahuudda, sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday ayaa muujinayay gaadiid gubanaya iyo xaafado Yahuuddu degan tahay oo dabku is qabsaday.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Duqaynta Yahuudda Ee Jabaliya.