Xilli inta badan gobollada dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay ka curteen roobabka daynta si wayna loogu diirsaday, haddana waxaa dhanka kale lasoo sheegayaa fatahaado ay sameeyeen wabiyada mara gobolka Gedo, kuwaas oo ku fatahay magaalooyin iyo dhul beereed baaxad leh.
Wabiga Daawo oo ka mida wabiyada mara gobolka Gedo ayaa fatahaad xooggan ka sameeyay degmada Beled-xaawo, saamaynta ugu xooggan ee fatahaadaasi ayaana ku habsatay beeralayda magaalada, kuwaas oo warbaahinta uga warbixiyay khasaaraha kasoo gaaray fatahaaddaasi.
Daadadka iyo biyaha kasoo rogmaday wabiga Daawo ayaa la tagay dalagyadii beeraha, taasi oo keentay in maanta magaalada Beled-xaawo aan lasoo gelin wax dalagyo ah.