Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo ka dhashay daadad xooggan oo kusoo rogmaday xaafadaha degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka da’ayeen roobab mahiigaan ah.
Inta la hubiyay laba gabdhood oo walaalo ah ayaa ku dhintay daadka ka dhashay roobabka ee kusoo rogmaday Ceel-waaq, gabdhaha ayaa da’aaddooda lagu sheegay inay u dhaxayso 14/9 sano jir, waxaana labadaasi maydadkooda laga soo saaray god ay biyuhu fariistaan.
Dhanka kale farahaado xooggan ayaa laga soo sheegayaa magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Gedo, oo ay ka mid tahay degmada Baardheere, halkaas oo fatahaad xooggan uu sameeyay wabiga Jubba ee mara magaaladaasi iyo daadad kasoo rogmaday duleedka magaalada.
Waxaa kala xiran labada daan ee ay ka kooban tahay degmada Baardheere, saamaynta ugu xooggan waxay fatahaadu ku reebtay xaafadaha kuyaal daanta galbeed ee magaalada Baardheere, sidoo kale fatahaadda wabiga Jubbada ayaa saamayn xooggan ku yeelatay dadka ku dhaqan degmooyinka Luuq iyo Doolow.