Kooxo aad u hubeysan ayaa xoog ku galay xarunta dhexe ee magaalada Conakry oo ah caasimadda waddanka Guinea, halkaas oo uu iska hor’imaad xooggan ku dhexmaray ciidamada ammaanka iyo kooxda weerarka soo qaaday.
Weerarka oo u muuqday mid si wayn loo qorsheeyay ayaa sida la sheegay lagu beegsaday xabsi kuyaal caasimadda, halkaas oo ay ku xirnaayeen saraakiil sar sare oo xilal sare horay uga soo qabtay waddankaasi.
Wazaaradda cadaaladda ee dalka Guinea ayaa sheegtay in rag aad u hubeysan ay u dhaceen xabsi ciidan oo kuyaal aqalka dhexe ee caasimadda Conakry, kuwaas oo ku guuleystay inay la baxsadaan madaxii hore ee ciidanka ama golaha casmariga Guinea iyo saddex kale oo saraakiil sar sare ah.
“Abbaare 5:00, rag aad u hubeysan ayaa soo weeraray Aqalka Dhexe ee caasimada Conakry, waxaana u suurtagashay in ay la baxsadaan afar eedaysane oo dacwaddooda ay la xiriirto dhacdadii Sebtembar 28-kii, oo uu ku jiro Moussa Dadis Camara.” Ayuu yiri waziirka cadaaladda.
Howlgalkaasi kaddib ciidamada ammaanka ayaa xirtay waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa aagga uu weerarku ka dhacay, sida ay soo sheegeen goobjoogayaal la hadlay wakaaladda wararka ee Faransiiska.
“Waxaan rabnay inaan aadno Dekada, halkaas oo ah halka aan ka shaqeeyo, balse waxaa naloo diiday inaan ka gudubno iridda laga galo xaafadda Kalum, halkaas oo la dhigay gaadiid gaashaaman., waxaa sidaas yiri mid ka mid ah dadka ka shaqeeya dekadda caasimadda.