Marinka Gaza ee go’doonka ku jira ayaa xalay marti geliyay dagaallo culus oo u dhaxeeyay kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta iyo maleeshiyaadka maamulka Yahuudda, halkaas oo khasaare culus oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed lagu gaarsiiyay ciidanka Yahuudda.
Dagaallada oo ka dhacay waqooyiga Gaza ayaa sababay dhimashada ugu yaraan laba askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Yahuudda, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 4 kale.
Taliska ciidanka sahyuuniyadda ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan laba askari looga dilay, afar kalena looga dhaawacay dagaallo culus oo dhanka dhulka ah, kuwaas oo iyaga iyo kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ku dhexmaray waqooyiga Marinka Gaza.
Khasaarahan cusub ee la gaarsiiyay maleeshiyaadka Yahuudda ayaa tirada guud ee khasaaraha maleeshiyaadkaas ku qabsaday marinka Gaza ka dhigaya dhimashada 47 askari, tan iyo markii uu billowday duullaanka dhanka dhulka ah ee ka dhanka ah Marinka Gaza, 27-kii Oktoobar.
Maleeshiyaadka maamulka Gumaystaha ayaa weli isku dayaya in ay gudaha usoo galaan deegaannada Gaza, xilli iska hor’imaadyada Yahuudda lagula jiro ee ka socda marinka Gaza ay ku dhowyihiin 3 toddobaad oo xiriir ah, waxaana ciidanka Yahuudda ay ku socdaan oo kaliya duqaymaha dhanka cirka ah ee ay gaysanayaan diyaaradaha, kuwaas oo ah kuwa aan kala joogsi lahayn, beegsanayana dadka rayidka ah.