Wabiga Shabeelle ee mara koonfurta iyo bartaha Soomaaliya ayaa fatahaado xooggan ka sameeyay deegaanno ka kala tirsan Sh/hoose iyo Hiiraan, halkaas oo ay ku dhinteen sidoo kalena ku barakaceen kumanaan qof.
Dhanka Sh/hoose, wararka ka imaanaya waxay sheegayaan in wabiga Shabeelle uu ku fatahay degmooyinka kala ah Afgooye, Buulo-mareer, Qoryooley, Owdheegle, Jannaale iyo degaanka Golweyn, fatahaadda wabiga ayaana sababtay in degmooyinkaasi qayb ka mid ah ay isaga barakacaan kumanaan qof.
Dhanka Hiiraan, fatahaado iyo daadad ayaa laga soo sheegayaa inay ka jiraan degmada Beledweyne ee xarunta u ah gobolka Hiiraan, daadad kusoo rogmaday magaalada ayaa sababay dhimashada 2 qof oo mid uu yahay qof shacab ah halka midka kalena uu yahay askari ka tirsan maleeshiyaadka Riddada.
Xerada Lamagalaay oo ka mid ah xarumaha murtadiinta ee degmada Beledweyne waxay ilo wareedyo deegaanka ah sheegeen in ay daadad xooggan kusoo rogmadeen, waxaana halkaasi ku dhintay hal askari oo ka tirsan waxay ugu yeeraan asluubta Riddada.