Mareegaha internet-ka iyo baraha ay bulshadu ku wada xiriirto waxaa saacadihii lasoo dhaafay si wayn u qabsaday muuqaalka askari Yahuudi ah oo Bam gacmeed ku weeraraya masjid kuyaal deegaan hoostaga magaalada Ramallah oo ka tirsan Daanta galbeed ee Falastiin.
Askarigan Yahuudiga ah ayaa bam ku weeraraya masjidkaan oo kuyaal tuulada Budrus oo dhacda galbeedka Ramallah, xilli masjidkaasi uu ka socday addinka salaadda fajarka ee jumcihii shalay, waxaana la arkayaa askarigan uu islaam nacaybku ku fogaaday oo usii dhaqaaqaya dhanka masjidka.
Muuqaalka ayaa muujinaya in askariga uu la hadlayo askari kale, kaddibna uu u dhaqaaqayo dhanka masjidka, ka dibna uu ku tuurayo bamka, kaddibna waxaa la maqlayaa dhawaqa qaraxa ka dhashay bam gacmeedka uu masjidka ku tuuray Yahuudigaasi.
Maamulka masjidka deegaanka Budrus ayaa sheegay in dhacdadan ay ka dhacday masjidka wayn ee tuulada Budrus xilli uu mu’addinku dadka ugu yeerayay salaadda fajarka, waxayna tani muujinaysaa cadaawadda fog ee Yahuuddu u qabaan islaamka iyo ehelkiisa.
ولهذا كان الطوفان …
جندي إسرائيلي يطلب من زميله تصويره أثناء إلقائه قنبلة على باب مسجد أثناء الأذان في قرية بدرس غرب رام الله#حرب_غزة pic.twitter.com/LDt8Pzw6wz— د. علي القره داغي (@Ali_AlQaradaghi) November 17, 2023