Inta la xaqiijiyay ugu yaraan laba qof oo dhalinyaro ah ayaa ku dhintay badda magaalada Berbera ee dhacda gobolka waqooyi galbeed ee Soomaaliya, kaddib markii ay ku qarqoomeen biyaha badda.
Goobjoogeyaal ku sugan xeebaha Berbera ayaa warbaahinta u sheegay in labada qof ee ku qarqoontay biyaha badda ay ahaayeen dhalinyaro lagu kala magacaabi jiray Salmaan Mustafe iyo Ridwaan Mawliid, kuwaas oo ka kala yimid magaalooyinka Hargaysa iyo Burco.
Ehellada iyo qoysaska labada wiil ee maydadkooda laga baadi-goobayo badda Berbera ayaa sheegay in mid ka mid ah labadaasi la waayay maalintii khamiista illaa sabtida maanta ah ay wali baadi-goob ugu jiraan inay helaan maydkiisa.