Dowladda Finland ayaa billowday inay xirto xuduudaha ay la wadaagaan waddanka Ruushka, taasi oo sare u qaaday heerka uu gaarsiisan yahay xiisadda ka dhex aloosan labada dal ee dariska ah.
Go’aankan ayaa la wariyay inay qaateen masuuliyiinta ugu sarreysay ee dowladda Finland, waxayna kusoo beegantay dhowr bilood kaddib, markii Finland ay ku biirtay ururka gaashaanbuurta ah ee NATO, Moscow-na ka dhawaajisay inay qaadi doonto tillaabooyin ay kaga jawaabayso waxay ugu yeertay siyaasadda gardarada ah ee Helsinki, iyadoo la saadaalinayo inay xaaladda faraha kasii baxdo.
Tan iyo markii dowladda Finland ku dhawaaqday ku biiritaanka rasmiga ah ee NATO bishii Abriil ee la soo dhaafay, waxaa hoos u dhacay xiriirka ka dhexeeya xukuumadaha Moscow iyo Helsinki.
Arrinta ugu wayn ee aadka loo hadal hayo ayaa ah filashada Moscow ee cawaaqibka ka dhalanaysa ku biirista ururada amniga iyo millitariga, gaar ahaana kasoo horjeeda amniga dalkeeda iyo xoojita wujuudka ciidamada NATO ee xuduudda Ruushka.