Maleeshiyaadka maamulka gumeystaha Yahuudda ee ku duulay marinka Gaza ayaa billaabay inay dhexdooda is toogtaan, kaddib markii ay niyad jab xooggan kala kulmeen howlgalka dhulka ah ee ay ku qaadeen marinka Gaza.
Wariye Yahuudi ah oo lagu magacaabo Amos Harel ayaa sheegay in ciidanka Yahuudda ay markan is ugaarsanayaan, dilalka dhexdooda ahna ay noqdeen kuwa qarsoon oo aan waxba laga ogayn.
Sidoo kale arrimaha keenay is dilka ciidanka Yahuudda ayaa lagu sheegay jihawareer ku dhacay ciidankii ay galiyeen marinka Gaza, kuwaas oo iyagii isku duqaynaya taangiyada dagaalka ee ay u qaateen inay kula dagaallamaan kooxaha wax iska caabinta.
Dhowaan ayay ahayd markii afhayeen u hadlay kooxaha wax iska caabinta ah ee Falastiin uu sheegay in ciidankii Yahuuddu soo gelisay waqooyiga Marinka Gazaa ay taangiyada dhulka kasoo duqeeyeen ciidankiisa, iyagoo u malaynayay in laga qabtay tiro askar ah.