Xilli muddooyinkii dambe xeebaha dalkeenna Soomaaliya ay baylaha u noqdeen doomaha iyo maraakiibta Shisheeye ee xaalufinta iyo jariibka ba’an ku haya khayraadka umaddan muslimka ah, ayaa dhanka kale kooxo soomaali ah waxay weerareen oo ay la wareegeen doon shisheeye oo kalluumasysi sharci-darro ah ka waday xeebaha Somalia.
Kooxahan Soomaalida ah ayaa qafaashay dooni laga leeyahay waddanka Iiraan, taasi oo ka mid ahayd doomaha iyo maraakiibta shisheeye ee xaalufinta ku haya khayraadka dalka, waxaana doonidaasi la socday dhowr iyo 10 qof oo u kala dhashay waddamada Iiraan iyo Yeman iyo qof waardiye ka ahaa oo u dhashay dalka Soomaaliya.
Dad sheegay inay wakiil ka ahaayeen doonidaasi ayaa sheegay in doonida ay afduubteen kooxo Soomaali ah, markii ay xiriiro la sameeyeena lagu amray inay bixiyaan 400,000 oo Dollar, si loo sii daayo, haddiise ay bixin waayaan ayay sheegeen in doonidaas ay u adeegsan doonaan inay ku weeraraan maraakiibta shisheeye.