Waxaa sii kordhay tirada maleeshiyaadka murtadiinta ee lagu qabtay howlgalkii jid-galka ahaa ee saacadihii lasoo dhaafay ay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen duleedka deegaanka Sabiid ee hoostaga degmada Afgooye ee wilaayada Sh/hoose.
Tirada maleeshiyaadka nolasha ay ku qabteen ciidamada mujaahidiinta ayaa gaartay lix xubnood oo murtadiin ah, kuwaas oo ay gacanta ku hayaan ciidanka mujaahidiinta, mid ka mid ah xubnahaas ayaa bixiyay waraysi gaar ah oo uu siiyay idaacadda islaamiga ah ee Andalus, isagoo bixiyay xogo muhiim ah.