Howlgal culus oo barakaysan ayaa maanta ka dhacay meel duleedka kaga beegan magaalada Qudus ee Falastiin, halkaas oo laba ka mida dhalinyarada Falastiiniyiinta ah ay ku beegsadeen dad Yahuud, sida ay soo wariyeen ilo wareedyo maxalli ah, weerarka ayaa si gaar ah u beegsaday mustowdanadda Yahuudda ee Ramoot.
Wargayska Yadiicoot Axronoot oo ka mid ah wargaysyada Yahuudda ayaa daabacay in howlgalka toogashada ah ay ku halaagsameen saddex mustowdhiniin ah, waxaa sidoo kale halkaasi ku dhaawacmay 7 xubnood kale oo Yahuud ah, kuwaas oo saddex ka mid ah dhaawacyadoodu yihiin kuwa halis ah.
Dhalinyarada weerarka ka qayb qaadatay ayaa lagu sheegay inay ahaayeen laba qof oo Falastiiniyiin ah oo waliba ah walaalo wada dhashay oo kasoo jeeda bariga magaalada Qudus, waxaana lagu kala magacaabi jiray Ibrahiim Namir oo 30 sano jir ah iyo Muraad Namir oo 38 jir ah, waxayna dhalinyaradaan horay maxaabiis ugu ahaayeen Yahuudda.
Muuqaallo ay duubeen Kamaradaha Yahuudda ayaa muujinaayay ragga camaliyadaasi toogashada fuliyay oo kasoo deganaya gaari nooca raaxada ah, kaddibna rassaas xooggan oodda kaga qaadaya dad Yahuud ah oo ku sugnaa mustowdana Ramot.