Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 17 qof ayaa cudurka ay Soomaalida u taqaan Kudka ugu geeriyooday degmo dhacda koonfurta waddanka Uganda, sida ay xaqiijiyeen dhakhaatiir caafimaad oo ka howlgala waddankaasi.
Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa Dr. Edward Muwanga oo ah madaxa caafimaadka degmada Kyotera oo ah degmo dhacda koonfurta dalka Uganda, ayaa sheegtay in ugu yaraan 17 qof oo Ugaandees ah ay ku dhinteen degmadaas, kaddib markii uu asiibay cudurka afka qalaad lagu dhaho (anthrax).
Dadkan ayuu dhakhtarku sheegay inay uga shakisan yihiin inay cuneen hilib kasoo baxay dhulkii ay beerteen, kaasi ayuu sheegay inuu sababay geerida 17-kaasi qof, dadkan ayaana dhintay maalmihii lasoo dhaafay.
Cudurka (anthrax) oo Soomaalidu u taqaan Kudka ayaa ah cudur halis oo ku dhaca dadka iyo xoolaha, waana cudur ka dhasha bakteeriyada xoolaha.