Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidanka dowladda Ingiriiska lagu khaarajiyay gudaha dalkaasi, xilli uu ku socdaalayay gudaha waddankaasi, sida ay shheegtay wazaaradda gaashaandhigga.
Wazaaradda gaashaandhigga ee dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in askarigaan oo da’diisu ahayd 32 sano jir ah uu ka tirsanaa ciidamadeeda ka howlgala dalka Kenya, waxaana ay sheegtay in weerar lagu beegsaday xilli uu mooto ku marayay gudaha dalka Kenya.
Ehellada askarigan Biritish-ka ayaa warbaahinta u sheegay in saraakiisha wazaaradda gaashaandhigga ee dowladda Ingiriiska ay la wadaagtay dilka wiilkooda, waxay sidoo kale sheegeen in wazaaradda aysan wax faahfaahin oo intaas ka baxsan ka siin dhacdada lagu dilay askarigaasi.
Wazaaradda gaashaandhigga ee xukuumada London waxay sheegtay in askarigan marka weerarka lagu beegsanayay uu ahaa mid ka maqnaa saldhigyada ciidamada, saraakiisha wazaaradda difaaca ayaana sheegay in askarigan la dilay 29-ka bishii ina dhaaftay ee November.