Ciidamada jabhadda mujaahidiinta ee ka jihaada wilaayada Sh/hoose, waxay maanta weerar culus ku qaadeen xero ciidan oo saliibiyiinta Burundi ay kaga suganyihiin deegaanka Ilbaq oo ah deegaan kuyaal inta u dhaxayo Qalimow iyo degmada Balcad.
Saraakiil ka tirsan ciidanka mujaahidiinta ayaa Andalus u xaqiiiyay in xilliga uu weerarka dhacayey ay xerada ciidan kusoo daganaysay diyaarad sahay u sidday ciidamada kuffaarta Burundi ee ku sugan saldhigga Ilbaq, waxaa Allaah fadligiis weerarkaasi uu sababay in diyaaraddaasi ay soo caga dhigan wayso xerada ayna dib u laabato, waxaana jira khasaare gaaray ciidanka Burundi ee saldhiggaasi ku sugnaa.
Dhanka kale, Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo ciidamada mujaahidiintu ku qaadeen saldhig ciidan oo saliibiyiinta Kenya ay kaga suganyihiin xaafadda Buulo4 oo ka tirsan Xagardheer ee gobolka Gaarisa, waxaa la xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dilay saddex askari, halka mid kalena lagu dhaawacay, xerada iyo waxii agab ah ee yiillay waxaa gubay ciidamada mujaahidiinta.