Xalay abbaare 8:00-dii fiidnimo iyo daqar daqiiqado ah, xilli dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan degmada Jilib ee wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka ay isku diyaarinayeen inay si ammaan ah ku hurdaan, ayay hawada magaalada soo galeen diyaarado dagaal oo ay leedahay dowladda saliibiyadda ah ee Maraykanka, kuwaas oo usoo dheelmaday qalqal gelinta dadka rayidka ah.
Ma jirin wax ahdaaf ah oo ay beegsanayeen diyaaradaha saliibiyiinta Maraykanka, waxayna hal gantaal ku dhufteen meel bannaan ah oo u dhow guri ay degganyihiin dad shacab ah, halkaas oo ay ku dhaawacmeen laba qof oo ay ka mid ahayd gabar yar oo 11 sano jir ah, bahda caafimaadka ayaana gurmad deg deg ah u fidiyay labada qof ee ku dhaawacmay duqaynta.
Duqaynta saliibiyiintu, waxay sidoo kale dhalisay burbur soo gaaray, qayb ka mid ah guriga ay degganaayeen dadka rayidka ah ee ay duqaynta aan loo meel dayin ku beegsadeen saliibiyiintu.