Sarkaal ka tirsan maleeshiyaadka Liyuu Booliska ee dabadhilifyada u ah dowladda xabashida Itoobiya, ayaa jirdil iyo carig isugu daray gabar muslimad ah oo ku dhaqan degmada Jigjiga ee xarunta dhulka Soomaali galbeed.
Gabadha ay jirdilka iyo xabsiga isugu dareen maleeshiyaad uu wato sarkaal ashahaada la dirir ah oo lagu magacaabo Cabdi Dhimbil Simad oo ka tirsan saraakiisha maamulkaasi, ayaa sheegtay in iyadoo adeeg u doonanaysay meel aan ka fogayn gurigooda, ay dhex u galeen sarkaalkaasi iyo maleeshiyaad uu wato, kaddibna ay handadeen.
Handadaadda kaddib ayay sheegtay in sarkaalkaas uu kula kacay jirdil xooggan iyo tacaddi aad u daran, waxay sidoo kale sheegtay in sarkaalkaas iyo maleeshiyaadka uu wato ay u gafeen diinta islaamka.
Waxay sidoo kale sheegtay in maleeshiyaadka Liyuu Booliska ay jirdil kale oo daran u gaysteen laba qof oo rayida, kuwaas oo isku dayay inay hor istaagaan tacaddiga ka dhanka ah iyada.
Halkan Ka Dhagayso Codka Gabadha Jirdilka Lagula Kacay.
Halkan Ka Dhagayso Codadka Ragga Jirdilka Loo Gaystay Iyo Ehellada.