Ugu yaraan laba xubnood oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku ganacsada dalka Koonfur Africa ayaa la xaqiijiyay in kooxo hubeysan oo burcad ah ay ku dileen, xarumahooda ganacsi oo kuyaal gobolka North West ee dalkaasi South Africa.
Kooxda burcadda ah ayaa lasoo wariyay inay u dhaceen dukaan ganacsi oo ay ka shaqaynayeen 2 qof oo Soomaali ah, kaas oo kuyaal magaalada Rustenburg ee gobolka North West, waxayna halkaasi ku toogteen laba qof oo Soomaali ah, kuwaas oo markii hore ay dhaawacyo xooggan oo gaareen.
Dad goobjoogeyaal ah oo ku sugan magalada Rustenburg ayaa wariyay in labada qof ee ay dileen kooxdaasi burcadda Koonfur Afrikaanka ah lagu kala magacaabi jiray Ibraahim Warsame iyo Cabdiraxiim Xassan Cali, kuwaas oo goor dambe u dhintay dhaawicii kasoo gaaray weerarka.
Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Africa ayaa soo sheegaya in kooxda burcadda ujeedkoodu ahaa inay dhac iyo boob ka gaystaan goobta ganacsi ee ay ka howlgalayeen labada qof ee Soomaalida ah, dilka kaddib ayayna si nabad ah kaga dhaqaaqeen dukaankaasi, iyadoo aysan jirin ciidamo boolis ah oo ku baxay iyo kuwa ammaanka, kuwaas oo badanaa lagu eedeeyo inay ka dambeeyaan dilalka ka dhanka ah Soomaalida.