Diyaaradaha dowladda saliibiyadda ah ee Maraykanka ayaa wali hubka wax gumaada ku daabulaysa deegaannada xoogga lagu dajiyay Yahuudda ee dhulka barakaysan ee Falastiin, si loogu xasuuqo caruurta iyo haweenka Gaza.
Wazaaradda gaashaandhigga maamulka Yahuudda ayaa maanta shaacisay in diyaarad numberkeedu yahay 200 ay soo gaartay deegaannada Yahuudda la dajiyay, taas oo ay ku raran yihiin qalab culus oo Maraykan ah, hub iyo gaadiid nooca kuwa gaashaaman ah.
Qoraal ay wazaaraddan soo dhigtay barteeda gaarka ah ee Tiwitterka waxay ku sheegtay in dowladda Maraykanka uu maamulka Yahuuddu ka helay 10,000 oo tan hub iyo qalab lagu farsameeyay Maraykanka, waxaana qalabkaasi ka mida gaadiidka gaashaaman, hub, qalabka sida akhsiga la isugu ilaaliyo, caafimaadka. qalab kale, rasaas, iyo kuwo kale.
Sidoo kale ciidanka Maraykanka ayaa taageero xooggan siinaya ciidanka badda iyo kuwa cirka ee ciidanka Yahuuda, si ay guulo uka keenaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta, balse hubkan ayaa saldhig u noqday gumaadka ka dhanka ah caruurta iyo haweenka muslimaadka ah ee reer Gaza.