Ciidamada mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgallo qaraxyo ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye, kuwaas oo lala eegtay saraakiil iyo askar murtadiin ah, qaraxa koowaad waxay mujaahidiintu xaafadda Buulafuuliyo kula eegteen maleyshiyaad murtadiin ah, waxaana halkaasi ku dhaawacmay 4 askari.
Qaraxa labaad oo jugtiisa si wayn looga maqlay xaafadaha degmadaaasi waxay mujaahidiintu la eegteen kolonyo ka tirsan maleyshiyaadka Riddada ee loogu yeero Gorgor, waxaana kolonyadaasi qayb ka ahaa murtad lagu magacaabo Jareere oo ah taliyaha guutada 1-aad ee maleyshiyaadka Riddada Gorgor, qaraxa ayaa Allaah fadligiis haleelay gaari Cabdibile ah oo ay ka buuxeen Riddada, waxaana halkaasi ku dhaawacmay saddex murtadiin ah oo labo saraakiil ay yihiin.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in labada sarkaal ee howlgalkaasi qaraxa ah ku dhaawacantay mid ka mid ah ay darajadiisa ciidan tahay Gaashaanlle, halka midka kalena ay darajadiisu tahay hal xidigle, waana qayb ka mid ah howlgallada mujaahidiinta ee sida xowliga ah uga socda wilaayaadka dhaca koonfurta Soomaaliya.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu maanta dagaal xooggan ku qaadeen saldhigga ciidamada saliibiyiinta xabashida ee degmada Diinsoor, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, inta la hubiyay waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay laba askari oo Itoobiyaan ah.