Xilli saacadihii lasoo dhaafay waxay ugu yeeraan hay’adda lacagta Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IMF ay ku dhawaaqday inay Soomaaliya ka cafisay badi lacagtii qaan ku sheegta ahayd ee ay ku lahayd, waxay idaacadda Andalus ballan qaaday in ay baahin doonto barnaamij gaar ah.
Idaacadda waxaa maanta laga sii daayay goos-goos horudhac u ah barnaanijka, barnaamijka ayaana ah mid muhiim ah oo lagu faaqidayo qodobbo kala duwan, sidoo kalena ka jawaabaya su’aalo badan oo ay ka mid tahay maxaa ka dhab ah masraxiyadda madalhufka ah ee Deeyn Cafinta?.