Idaacadda islaamiga Andalus waxay caawa baahisay barnaamij gaar ah oo lagu faaqiday mashruuca dayn cafinta ee ay xalay ku dhawaaqday waxay ugu yeeraan hay’adda lacagta Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IMF, taas oo sheegtay in ay badi cafisay qaan sheeg ay ku lahayd Soomaaliya.
Barnaamijkan oo ay ka qayb galayaan culimo, aqoonyahano, muxalliliin dhaqaale iyo wariyeyaal, ayaa ka jawaabayaa su’aalo badan oo ku dul wareeganaya mashruucan, oo ay ka mid yihiin maxaa ka dhab ah masraxiyadda madalhufka ah ee dayn cafinta?, maxay tahay IMF?, sidee ayuu kusoo billowday geeddiga dayn qaadashada Soomaaliya?, sidee ayuu noqday dowladihii cunay suntooda?, burburkii kaddib sidee kusoo laabtay xiriirka IMF iyo madaxda kooxda Riddada?, iyo su’aalo kale oo muhiim ah.