War goor dhow kasoo baxay xafiiska madaxtooyada ee looga arrimiyo Kuweyt ayaa lagu shaaciyey in uu geeriyoodey Amiirkii dalkaas, ninka camiilka ah ee lagu magacaabi jiray Nawaaf Axmed Al Jaabir.
Bayaan ka soo baxey Xafiiska madaxtooyada ayaa lagu yiri “Waxaanu murugada la wadaageynaa, isla markaana tacsi u direynaa shacabka Kuweyt, dowladaha carabta ah iyo shucuubta caalamka ee aan saaxiibada nahay in uu geeriyoodey Amiirkii Dowladda Kuweyt duhurnimada maanta oo sabti ah”.
Daaqidan oo ka mid ahaa madaxda dowladaha dawaaqiidda carabta ayaa dabayaaqadii bishii ina dhaaftey la dhigey cisbitaalka, sababo la xiriira xanuun ku soo booday, kaasi oo ugu dambayn maanta sababay inuu u geeryoodo isaga oo da’diisu ahayd 86 sano.
Ninkan halaagsamay ayaa xafiiska dowladda Kuwayd la wareegay sannadka marka uu ahaa 2020-kii, kolkaas oo uu beddelay walaakiis oo isagana halaagsamay, kaasi oo la oran jiray Sabaax Axmed Al-sabaax.