Waxaa cirka isku sii shareertay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Riddada ah ee Puntland, murtad Siciid Cabdullaahi Deni ayaana maanta qaaday taallaabo kaga sii daraysa xiisadda.
Murtad Siciid Deni ayaa maleeshiyaad daacad u ah waxay maanta xoog kula wareegeen xarunta golaha dawaaqiidda maamulka ashahaada la dirika ah ee isku magacaabay Puntland, kuwaas oo la arkayay iyagoo gaadiidka dagaalka ku jaraya waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa xarunta baarlamaanka.
Murtad Siciid Deni ayaa lasoo wariyay in uu doonayo in xaruntaasi ay ku shaqeeyaan guddi uu usoo magacowday, si ay uga soo horjeestaan guddoomiyaha golaha dawaaqiidda Puntland, taasi oo keentay in uu Dani xoog kula wareego xarunta baarlamaanka.
Murtad Karaash oo isagana ah ku xigeenka Siciid Deni ayaa la dhinac ah golaha dawaaqiidda maamaulka Garoowe, lamana oga halka ay ku biyo shuban doonaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhex aloosan maamulkaasi.