Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay inka badan 88 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii qarax aad u xoogan uu ka dhacay goob saliidda lagu kaydiyo oo kutaal caasimadda waddanka Guinea ee Conakry.
Dhacdadan qaraxa waxaa warbaahinta maxalliga ah u xaqiijiyay madaxa ilaalada madaniga ah ninka lagu magacaabo Jean Traore, waxayna xukuumadda si wayn uga digtay in saamayn aad u ballaaran uu reebi karo qaraxaasi.
Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganayso goobjoogeyaal ayaa warisay in qaraxaasi uu ka dhacay xarunta shidaalka lagu kaydiyo ee xaafadda Kaloum oo ka tirsan magaalada Conakry.
Qof goobjooge ah ayaa Reuters u sheegay in jugta qaraxa ay dumisay daaqadaha guryo dhowr ah oo ku dhowaa xarunta saliida laga soo saaro, halkaasoo boqolaal qof oo ka mid ah dadka deegaanka ay ku kala carareen.
Maamulka millatariga Guinea ayaa faray in albaabada la isugu dhufto dhamaan iskuulada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowliga ah ee ka agdhow halka uu dabka ka kacay, sidoo kale waxay shaqaalaha fareen inay guryahooda ku nagaadaan, inta xaaladdu ka dagayso.