Howdka duleedka magaalada Kismaayo waxaa saacadihii lasoo dhaafay qaraxyo barakaysan lagula eegtay gaadiid ay wateen maleeshiyaadka Riddada Bangarafta ee sida gaarka ah u hoostaga saliibiyiinta Maraykanka, kuwaasoo shalay lagu jabiyay dagaallo culus oo ka dhacay duleedka magaaladaasi.
Mid ka mida gaadiidka la qarxiyay oo ahaa nooca Cabdibilaha waxaa la socday askar murtadiin ah oo ka tirsan kuwa loogu yeero Danab, kuwaas oo dhulka howdka ah ka baadi doonayay maleeshiyaad aysan nolol iyo geeri ku haynin, kaddib markii lagu jabiyay dagaalladii ka dhacay duleedka magaaladaasi,
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa Andalus u xaqiijiyay in goobta gaarigaas lagu qarxiyay ay soo caga dhigatay diyaarad Helicopter ah, taasi oo goobta ka daabushay maydadka iyo dhaawacyada qaraxaasi looga reebay maleeshiyaadka Riddada Bangarafta.
Isla duleedka magaalada kismaayo, gaar ahaan wayaanta waxay mujaahidiintu qarax kula eegteen maleeshiyaadka murtadiinta Bangaraafta, waxaa Allaah fadligiis halkaasi lagu gubay gaari Cabdibile ah oo ay wateen maleeshiyada Riddada Danab, khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaana halkaasi ku gaaray Riddada Bangarafta.
Dhanka kale xogo faahfaahsan oo kasoo baxay dagaalladii lagu jabiyay murtadiinta ee ka dhacay duleedka deegaanka Cammaar ee wilaayada ayaa sheegaya in saraakiishii dagaalladaas lagu dilay uu ka mid ahaa Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ku magac dheeraa (Yusuf xusuleey), kaasi oo ahaa taliye horin ka tirsanaa Ururka 4-aad ee Gorgor.
Saraakiisha kale ee dagaalladaasi lagu dhaawacay waxaa ka mid ah Abaanduulaha Ururka 4-aad ee Gorgor, kaas oo la xaqiijiyay isagoo dhaawac ah in laga qaaday fagaaraha dagaalka, dagaalladii shalay ka dhacay duleedka deegaanka Cammaar ayaa ahaa kuwa lagu boqna gooyay murtadiinta Gorgor iyo kuwa maamulka ashahaada la dirirka ah ee la magac baxay Galmudug, halkaas oo looga dilay 15 murtadiin ah, loogana dhaawacay 14 kale, gaari Tow ahna looga gubay, sidoo kalena looga furtay 10 qori oo kala duwan.