Ciidamada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka jihaada gobolka Gaarissa ee dhulka NFD waxay weerar xoogan oo kamiin ah u dhigeen kolonyo ciidamo Kenyaan ah oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa deegaannada Walmareer iyo Caalin ee ka tirsan Juqur ee gobolkaasi Gaarissa.
Gaari Tow ah ayay ciidamada mujaahidiintu ku gubeen weerarkaasi dhabbagalka ah, khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kuffaarta Kenya lagu gaarsiiyay weerarkaasi.
Dhanka kale, howlgal gaar ah oo ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen gudaha magaalada Baydhaba, waxayna halkaasi ku dileen askari murtad ah oo la oran jiray Maxamed Manuur oo ku magac dheeraa Maxamed Dheere, askarigan la khaarajiyay ayaa ka mid ahaa maleeshiyaadka Riddada ee lagu soo tababaray dalka Eritrea, askarigan ayaa sidoo kale si dirqi ah kaga badbaaday weerarkii cagmarinta ahaa ee ka dhacay deegaanka Masagawaay ee wilaayada Galgaduud.
Dhanka Sh/hoose, waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen xerada ciidamada Kuffaarta Afrikaanta, gaar ahaan kuwa Uganda ay ka deganyihiin degaanka Buur-colow ee dhaca duleedka degmada Baraawe, waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu dagaal xoogan ku mireen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee magaalada Marka iyo midka Buundada degmada Jannaale.