Kooxo hubeysan oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay in markale ay afduubteen dooni kaluumaysi, oo xaalufin ba’an ka waday biyaha Soomaaliya, taasi oo noqonaysa doonidii afaraad oo ay afuudbtaan kooxaha Soomaalida.
Hay’adda waxay ugu yeeraan ganacsiga Badaha ee Ingiriiska (UKMTO) ayaa soo saartay warbixin ay ku sheegtay in la afduubtay dooni kalluumeysi oo sida ay sheegtay laga leeyahay dalka Yemen, taasi oo u gacan gashay kooxaha soomaalida.
Waxay sidoo kale hayadda sheegtay in doonida kalluumeysiga la afduubtay lagu magacaabo (Imaaraat-2), markii cidi ugu dambeysay la arkay iyadoo kusii jeeda waqooyiga xeebaha Yemen, waxayna intaas ku dartay in doonidaas xilligan ay ku sugantahay meel qiyaastii 8 mayl dhanka waqooyi kaga beegan degmada Eyl, ee waqooyi bari Soomaaliya.
Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in doonidan ay qafaasheen kooxaha Soomaalida ah ay ku sugan tahay meel u dhow Jaziirada Socotra, degmada Eyl ee hayaddu sheegtay in aaggeeda lagu afduubtay ayaana ah halka uu dhowaan ka billowday ugaarsiga ka dhanka ah kalluumeysiga sharci darrada ah ee ay xeebaha Soomaaliya ka wadaan maraakiibta iyo doomaha Shisheeye.