Mujaahidiinta Daalibaan Pakistan ayaa sheegtay masuuliyadda howlgal qarax ah oo lagu khaarajiyay sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka dowladda Riddada ah ee Pakistan, kaas oo ka dhacay gobolka Waziristan.
Qaraxan ayaa si gaar ah kaga dhacay tuulada Shawz oo dhacda degmada Godiom ee ka tirsan ismaamulka Bannu ee Waqooyiga gobolka Waziristaan, halkaas oo ay ciidamada Pakistan u yimaadeen inay falal arbushaad ah ka gaysteen.
Balse waxaa la xaqiiiyay in ciidamadaasi duullaanka ahaa howlgalkaasi qaraxa ah uu kaga halaagsamay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka dowladda Pakistan, halka looga dhaawacay mid kale, maalmihii u dambeeyay waxay ciidanka xukuumadda Islaamabaad dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ashahaada la dirir ah ka wadeen deegaanno ka tirsan gobolka Waziristaan, halkaas oo kolonyadaasi lagula eegtay qaraxyo culus.