Cidamada jabhada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayaadka islaamiga Sh/hoose iyo Baay ayaa dagaallo culus oo toos ah ku miray saldhigyada ciidamada saliibiyiinta Yugaandha iyo kuwa maleeshiyaadka murtadiinta ee degmada Jannaale iyo deegaanka Buufow ee ka tirsan Sh/hoose, waxay sidoo kale mujaahidiintu weerar abaabulan ku mireen xerada maleeshiyaadka Riddada xero koowaad degmada Diinsoor ee wilaayada Baay.
Dhanka xad-beenaadka u dhaxeeya wilaayaadka Jubbooyinka iyo kenya, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay weerar culus ku qaadeen ciidamo saliibiyiin Kenyaan ah oo ku sugnaa deegaanka Ceel-aadow oo ah deegaan hoostaga magaalada Kaambooni, dagaalka markii u muddo kooban socday ayay Allaah fadligiis ciidamada saliibiyiinta Kenya isaga carareen goobta, waxeyna mujaahidiintu howlgalkaas kusoo qaniimeysteen saanad ciidan..
Dhanka Wajeer oo ka mid ah dhulka NFD ee Kenya gumeysato, waxay wiidamada mujaahidiintu dagaal xooggan ku qaadeen xero ay ku sugnaayeen maleeshiyaad murtadiin Soomaali ah oo ay dhisatay dowladda saliibiyadda Kenya, kuwaas oo ilaala ka hayay xarunta shirkada Safaari Com ee deegaanka Caana-dhasheega oo ah deegaan hoostaga magaalada Wajeer.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa soo sheegay in dagaalka markii muddo kooban oo daqiiqado ah uu socday kaddib ay saldhigga isaga carareen maleeshiyaadka murtadiinta, waxayna ciidamada mujaahidiintu halkaasi ku burburiyeen dhismaha shirkadda safaari-com oo ah shirkad ay leedahay dowladda kaafiradda ah ee Kenya.
Dhanka kale, faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar kamiin ah oo maalmo ka hor ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Gaarissa, kaasi oo loo dhigay kolonyo ciidamo saliibiyiin Kenyaan ah oo ay la socdeen lix sarkaal oo murtadiin Soomaali ah, oo ahaa saraakiisha u dhaxaysa ciidamada dowladda Kenya kuwa loo yaqaano Anta Teeraa oo ah ciidamo fuliyo howlgallada afduubka ee dadka muslimiinta ah guryaha loogala baxo, waxaa halkaasi Allaah fadligiis lagu dilay 4 sarkaal oo murtadiin Soomaali ah, halka lagu dhaawacay laba kale oo saraakiil Soomaali ah.
Waxaana xusid mudan in lixda sarkaal ee dhimashada iyo dhaawaca ku noqday weerarkaasi jid-galka ah ay ahaayeen saraakiil ashahaada la dirir ah oo aad u dhibi jirtay muslimiinta ku dhaqan gobolka Gaarisa, ciidanka mujaahidiintu na ay in muddo ah ku raad-joogeen saraakiishaasi, sidii ay shartooda umadda u hor dhaafin lahaayeen.