Idaacadda islaamiga Al-andalus waxay soo gabagabeysay taxane muhiim ah oo lagu soo gudbiyay taariikhda Beytul Maqdis, waxaana warbixinnadaas taxanaha ah loogu magacdaray”Filistiin fagaaraha loollanada iyo hooyga fariimaha samaawiga, waana warbixinno isku xiraya taariikhda Falastiin laga soo bilaabo Abuunaa Aadam Caleyhi salaam illaa qarnigan aan ku jirno. waxay idaacaddu si gaar ah diiradda u saartay taariikhda maamul ee dhulkaas iyo hardanadii kala duwanaa ee uu soo maray iyo sida uu ugu dambeyntii kaga baxay gacanta muslimiinta.
Hoos Ka Dhagayso Taxanaha Warbixinnadan Muhiimka Ah Oo Ka Kooban 8 Xalqo.