Culimada iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada Jilib ee wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka ayaa si kulul uga hadlay heshiiskii burcadnimada ahaa ee Itoobiya lagu siiyay qaybo ka mid ah badda Soomaaliyeed, kaas oo ay si wayn kaga caroodeen umadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah.
Muuqaalkan oo uu caawa baahiyay Channelka wararka ee Al-kataa’ib waxaa kasoo muuqanaya Sheekh Xassan Takar iyo Sheekh Maxamed Balli oo ka mid ah culimada muslimiinta iyo mid ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada Jilib, kuwaas oo muuqaalkan kooban ku diraya farriimo adag oo ku socda xabashida bad-boobka ah ee sheeganaysa in loo sharciyeeyay dhul Soomaaliyeed.
Halkan Ka Daawo Muuqaalka Oo Facebook Ah.
Ama Si Toos Ah Hoos Uga Daawo.