Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar abaabulan oo toos ah ku qaaday saldhig ciidan oo saliibiyiinta Kenya ay kaga suganyihiin degmada Ceel-Waaq ee gobalka Gedo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Ciidamada mujaahidiintu waxay Allaah fadligiis intii uu dagaalku socday qori nooca RPG-ga la heleen gaari Tow ah oo ay lahaayeen ciidamada kuffaarta Kenya, waxaana la xaqiijiyay in weerarkaasi uu ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan ciidanka saliibiyiinta.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka Riddada ay kaga suganyihiin deegaanka Jaziira ee dhaca waddada xeebta ah ee isku xirta magaalooyinka Marka iyo Muqdisho.