Guutooyinka qaraxyada mujaahidiinta Al-shabaab waxay saacadihii lasoo dhaafay fuliyeen howlgal qarax ah, kaas oo lagu beegsaday ciidamo kuffaar Kenyaan ah oo ku socdaalayay inta u dhaxayso Koomoole iyo Kaambooni, qaraxa ayaa si gaar ah u haleelay gaari nooca Kooyalka ah oo wateen ciidanka saliibiyiinta.
Baabuurka ciidan ee la qarxiyay ayaa kasoo baxay saldhiga ciidamada saliibiyiinta ee buurta Koomoole, waxaana uu kusii jeeday deegaanka Kaambooni, saraakiisha mujaahidiintu waxay xaqiijiyeen in gaariga Kooyalka ah uu qaraxaas ku gubtay, 7 askarina ay ku dhinteen, kolonyada Kenyaanka ah ayaana qaraxaasi kaddib dib ugu laabtay xeradii ay kasoo baxeen.
Dhanka Banaadir ee dhacda Koonfurta Soomaaliya, waxay ciidamada ujaahidiintu howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ku dhaawaceen askari murtad ah oo lagu magacaabo Macruuf Maxamed, kaasi oo si gaar ah uga tirsanaa maleeshiyada qaabilsan la dagaalanka xijaabka sharciga ah iyo niqaabka Haweenka muslimaadka ah.
Dhanka Baay, waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen duleedka magaalada Baydhaba ku beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah, howlgalkan waxaa Allaah fadligiis lagu dilay saddex askari oo murtadiin ah, halka lagu dhaawacay mid kale, waxayna mujaahidiintu soo qaniimeysteen hal qori oo nooca Ak47 ah.
Sidoo kale, howlgal qarax ah oo ay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen isla duleedka magaalada Baydhaba waxay ku beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah, waxaa halkaasi lagu dilay hal askari oo murtad ah, waxaana lagu dhaawacay mid kale.