Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, waaliga wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka oo shalay ka qayb galay isku bixii ballaarnaa ee ka dhacay fagaaraha Ash-shahiid Macallin Aadan Xaashi Ceyrow ee degmada Jilib, ayaa waraysi kooban oo uu fagaaraha ku siiyay Andalus si adag kaga hadlay heshiiskii bad-boobka ahaa ee nasaarada xabashida Itoobiya lagu siiyay xeebaha Soomaaliya.
Sheekha ayaa si gaar ah u cabbiray dareenka carada leh ee uu ka qaaday heshiiskaasi xaaraanta ah, isagoo umadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah ugu baaqay inay jihaadka u kacaan, si ay isaga dafciyaan nasaarada xabashida ah ee duullaanka ku ah diinta iyo khayraadka umadda, isagoo sii hadlayay ayuu sheekhu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ka jawaabeen heshiiskaasi, si xowli ahna usoo buuxinayaan kolonyada jihaadka.