Channelka wararka ee Al-kataa’ib ayaa maanta baahiyay muuqaalka isku soo bixii aadka u ballaarnaa ee ka dhacay deegaanka Kuunya-barrow ee wilaayada islaamiga ah ee Sh/hoose, kaas oo ay dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan deegaankaasi ku diidayeen heshiiskii xaaraanta ahaa ee xabashida lagu siiyay qaybo ka mid ah xeebaha Soomaaliya.
Muuqaallada Kataa’ib waxaa kasoo muuqanaya culimo, waxgarad, aqoonyahanno iyo qaybaha bulshada, kuwaas oo si caraysan uga hadlaya heshiiskii burcad-nidamada ahaa ee nasaarada Itoobiya lagu siiyay qaybo ka mid ah xeebaha Somalia.