Isjiid-jiid iyo muran doorasho oo xooggan kaddib, waxaa markii labaad madaxa maamulka ashahaada la dirirka ah ee Puntland ku guuleystay in uu noqdo murtad Siciid Cabdullaahi Deni, kaasi oo loollan la galay musharrixiin kale oo ay wadatay kooxda Riddada Somalia, si ay meesha uga saaraan isaga oo siyaasad ahaan ay isku hayaan.
Doorashadan oo saaka ka qabsoontay hoolka baarlamaanka maamulka Riddada Puntland, waxaa ku loollamay Siciid Deni iyo xubnaha mucaaradka ku ah, waxaana saddexdii wareeg ee doorashadaasi isku arkay saddex musharax oo kala ah Abshir Huruuse, Guuleed Saalax iyo Siciid Deni, waxaana ugu dambayn codadkii ugu badnaa helay Deni.
Hoolka ay maanta doorashadu ka dhacaysay waxa laga soo wariyay laaluush xoogan oo ay doorashada ku bixinayeen dhinacyada mucaaradka iyo kuwa talada hayay ee loollanka ugu jiray hanashada kursiga madaxa maamulka Riddada Puntland, waxaana dib u doorashada Siciid Cabduulaahi Deni lagu tilmaamay mid dhabar jab siyaasadeed ku ah kooxda Riddada Soomaaliya, maadaama ay guul darreysteen musharixiinta dhankeeda ka socday.